
Caruurta ku nool deegaanka Baarsan guuni oo hoos imaada degmada Jamaame ayaa waxaa soo ritay xanuunka Jadeecada oo deegaanadaas ka bilowday sida ay Radio Kismaayo u xaqiijiyeen dadka deegaanka iyo bahda Cafimaadka ee ka howlaga deegaanka Buula-guduud.
Amina Salaad oo ka mida Kooxa Cafimaadka ee guur guura ayaa sheegtay in ay jiraan ilaa 62 caruur ah oo ay diiwan galiyeen oo ay ku arkeen caalaamadaha xanuunka Jadeecada.
Gudoomiyaha deegaanka Baarsanguuni ayaa sheegay in ilaa 7 caruur ah ay u dhinteen xanuunka Jadeecada todobaadyadii aan soo dhaafnay.
Deegaanka Baarka ayaa Kismaayo u jira ilaa 45km manalaha wax goob cafimaad ah balse dadka deegaanka waxaa xarun cafimaad ugu dhow Buula-guduud oo jirta ilaa 15km.
Xarunta cafimaadka deegaanka Buula-guud ayaa ah xarun loogu tala-galay daryeelka hooyada iyo dhalaanka oo kaliya waxaana daawaynta ku tiirsan ilaa 12 tuulo oo hoostaga Buula-guud.
Xanuunka jadeecada iyo xiiq dheerta ayaa ah xanuunada sida wayn u saameeya caruurta aan hellin talaalka iyo kuwa aan waalidiinta caruurta dhalay aysan gaynin goobaha cafimaadka si loo siiyo talaal dhamaystiran.