
Kulan ay isugu yimaadeen Wasiirada Arrimaha dibada ee Midowga Yurub ayaa ka bilaabmay Caasimada Beljim ee Brussels, kaasoo looga hadlayo arrimo badan oo ay ugu muhiimsan yihiin xiriirka Turkiga, Mareykanka iyo Ruushka.
Shirka wasiiradda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, ayaa waxaa shir guddoominaya wakiilka midowga Yurub u qaabilsan arrimaha dibadda iyo siyaasadda Josep Borrell.
Shirka inta uu socday waxaa kale oo looga hadlay xiriirka ka dhexeeya Midowga Yurub iyo Ruushka kadib markii la xiray mid ka mid ah mucaaradka Ruushka, Alexei Navalny.
Shirkaan ayaa la isku soo qaaday sida uu noqon doono xiriirka cusub ee Maraykanka kadib markii madaxtinimada uu la wareegay Joe Biden.
Qodobada kale ee shirka looga doodaayo waxaa ka mid ah xaaladda muhaajiriinta ku sugan Bosnia, arrimahii ugu danbeeyay ee wadamada Khaliijka Carabta iyo faylka dilkii ardaygii Talyaaniga ahaa ee lagu dilay dalka Masar.