
Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan iyo wafdi ballaaran uu hoggaaminayo ayaa Maanta oo Aaxd ah waxaa ay ku wajahan yihiin Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.
Socdaalka James Swan ayaa waxaa ku wehlin doona xubno kala duwan oo ka tirsan Beesha Caalamka, iyagoona saacadaha soo socda ka amababixi doona sida uu qorshahu yahay Magaalada Muqdisho.
Ujeedka safarka Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa waxaa uu yahay sidii uu kulan ula yeelan lahaa Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, iyagoona ka wada hadli xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Dhinaca kale wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto oo dhowaan fasax ku maqnaa in uu dib ugu laabtay Muqdisho, waxaa uu maanta taleefan kula hadli doonaa Madaxda Soomaalida iyo mucaaradka si xal looga gaaro khilafka doorashooyinka.
Beesha Caalamka ayaa dadaal ugu jirta in xal laga gaaro is mari waaga doorashada, iyadoo cadaadis ku saareysa dhinacyada kala duwan inay wada hadal yeeshaan maadaama mudad xilheynta Madaxda dowladda uu geba-gabo yahay