
Solarka ku shaqeeya cad-ceeda ayaa laga hirgaliyey dhawaan qaar ka Mida xeryaha Barakacayaasha ee magaalada Kismaayo,iyadoo dadka danta yare e ku nool xeryaha ay u qabeen baahi wayn.
Dadka barakacayaasha ee ku jira xeryaha ayaa u badan qoysas dan-yar ah oo aan awoodin in gudaha xeryaha barakacayaasha ay gashadaan Adeegyada Korontada ee ay bixiyaan shirakadaha dhinaca korontada ee ka howgala gudaha magaalada Kismaayo.
Dadka ku jira Xeryaha Barakacayaasha ee Kam badar,Xeryaha dalxiiska iyo Calanley ayaa faa’iidaystay Solarkaan ku shaqeeya Cad-ceeda maadama xeryaha ay dagan yihiin aysan lahayn wax Iftiin ah xiliga habeenkii taas oo dadka ku nool mugdi iyo iftiin la’aanta ay ku qabeen dhibaatooyin dhowr.
Barakacayaasha ku jira Xeryaha Badar ,Dalxiiska iyo Naaji ayaa sidoo kale Fursado Shaqo Abuur u noqotay Solarkaan habeenkii u shaqeeya waxaana Jira dad badan oo xiliga habeen ku shaqaysta ganacsi yar yar oo ka dhex samaysatay gudaha xeryaha.
Gudomiyaha Xerada Badar Aden Mursal Cadow oo asagana wareysi siyay radio kismayo ayaa ka hadlay muhiimada uu leeyahay Laydh-kaan Solarka ku shaqeeya.
Hay’adda SWSO oo ka mida hay’adaha Samafalka ka shaqeeya ayaa ka caawisay dadka barakacayaasha in gudaha xeryaha uga hirgaliso Hanaanka Solarka
Madaxa Mashruucaan Cabdullaahi Sheikh Aadan ayaa sheegay in solar gaadhaya ilaa 32 xabo ay ka hirgaliyey xeryo kala duwan,kuwaasi oo ay ugu talla galeen in barakacayaasha habeenkii uu ka caawiyo dhinaca Amniga .