Iraan oo dil ugu hanjabtay Donald Trump

828

Hoggaamiyaha sare ee dalka Iraan, Ayatullah Cali Khamenei, ayaa bartiisa Twitter soo dhigay qoraal iyo sawir u muuqda mid ku baaqayo in la weeraro Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, si loogu aargudo dilkii sanadkii hore Mareykanka u geystay taliyihii ugu sarreeyay militariga Iraan, janaraal Qaasim Suleymaani.

 

Sawir la soo dhigay boggiisa rasmiga ah ayaa muujinayay madaxweynihii hore ee Mareykanka oo golf ciyaaraya, xilli la arkayo hooska wax u eg diyaarad dagaal ama diyaarad weyn oo ah nooca aan lahayn duuliyaha ee Drones-ka loo yaqaan.

Sawirkaasi ayaa ciwaan looga dhigay “aargudashadu waa mid la hubo”.

Si kastaba ha ahaatee, qoraalka ku lifaaqan sawirkaasi oo ku qoran luuqadda Farsiga ayaa waxaa sidoo kale dib loogu faafiyay cinwaanka rasmiga ah ee Ayatullah Cali Khamenei uu ku leeyahay Twitter-ka, oo ay ku taxan yihiin in ka badan 300,000 oo qof. Balse markii dambe ayaa la tirtiray oo laga saaray boggaasi Twitter-ka ee Khamenei