Ciidamada ammaanka oo xalay xiray weriyaal ka howgala Dhuusamareeb

920

Maamulka Galmudug ayaa xalay xiray labo Wariye oo ka howgala magaalada Dhuusomareeb ee xarunta maamulkaas.

Labada Wariye oo degaanada Galmudug caan ka ah ayaa lagu kala magacaabaa Maxamed Cabdiwali Tooxow iyo Cabdullaahi Warsame Rooble.

Wariyeyaasha ayaa shalay iska soo duubay muuqaal ay ku soo bandhigeen in dil iyo xarig ay ugu hanjabeen xubno ka tirsan xafiiska madaxweynaha Galmudug.

Laamaha amniga maamulka Galmudug ayaa   xabsiga dhigay wariyeyaasha Cabdullahi Warsame Rooble iyo Maxamed Cabdiwali Tooxow, kuwaas oo ka howlgala deegannada Galmudug.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo hadlay xariga wariyeyaashaan ayaa yiri ”  Waxaan ugu baaqayaa maamulka Galmudug iyo Madaxweyne Axmed Qoorqoor in ay xorriyadooda u soo celiyaan wariyeyaasha kala ah Cabdullahi Warsame Rooble iyo Maxamed Cabdi Wali Tooxow ee caawa lagu xiray saldhiga Degmada Dhuusamareeb” ayuu yiri.