Mareykanka Oo War Kasoo Saaray Duqeyn Maanta Uu Ka Fuliyey J/Hoose

730

Taliska Ciidanka Mareykanka ee qaaradda Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa ka hadlay duqeyn diyaaradeed oo barqadii Maanta ka fuliyeen agagaarka degmada Jammaame ee Gobolka Jubbada Hoose.

Qoraal kasoo baxay Taliska Ciidamada AFRICOM ayaa lagu sheegay in dqueynta oo ka dhacday degmada Jammaame lala bartilmaameedsaday xubno ka tirsan Al-shabaab oo xiligii uu weeraru ka dhacaayay ku sugnaa halkaas.

AFRICOM ayaa sheegtay in duqeynta diyaaradeed lagu dilay saddex xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, isla markaana lala beegsaday weerarka, in kasoo aysan magacyadooda shaacin Mareykanka xubnaha la dilay.

Magacayada Saraakiisha duqeynta lagu dilay ayay Saraakiisha Ciidamada Dowladda ku sheegeen, Sheekh  Cabdi Gaab oo ahaa Sarkaalkii Al-Shabaab u qaabilsanaa Maxkamadda,Wanlaweyn, Beled Amiin, Goobaanle iyo Tuulooyinka ku xeeran

 

Ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa sanadkaan cusub ee 2021 duqeymo dhowr ah ka geystay deegaano ka tirsan Gobolada dalka Soomaaliya, waxaana xalay duqeyn diyaaradeed ay ka dhacday Gobolka Bakool.