Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jubbaland oo dib u dhigtay gabashada Doorashada Xiriirka kubada Cagta Jubbaland.

1037

Wasiirka Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Dowlad Goboleedka Jubbaland Cusmaan Xuseen Xaaji Fayruus ayaa soo saaray warqad uu ku shaaciyay in dib loo dhigay Doorashada Gudoomiyaha Xiriirka Kubbada Cagta Jubbaland ilaa Amar dambe,

Wasiirka ayaa waxaa uu yiri “Waxaa sharaf ii ah in aan idinku wargaliyo in doorashada Gudoomiyaha Xiriirka Kubada Cagta Dowlad Goboleedka Jubbaland dib loo dhigey ilaa amar dambe.