
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo ku sugan degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Ciidanka dowladda ee halkaas jooga.
Kulanka dhexmaray Madaxweyne Lafta-gareen iyo Saraakiisha Ciidamada ayaa waxaa looga hadlay dib u furista waddooyinka ay go,doomiyeen dagaalamayaasha Al-shabaab ee Gobolka Bakool.
Madaxweyne Lafta-gareen ayaa Saraakiisha Ciidamada faray dar-dar gelinta xaqiijinta amniga Gobolka iyo sidii loo bilaabi lahaa howlgal lagu furayo waddooyinka in muddo ah u go’doosan Al-shabaab
Taliyaha qeybta 60aad ee Ciidmada xoogga dalka Soomaaliyeed Maxamed Sheekh Abdullahi Ciirow oo kulanka faah faahin ka bixiyay ayaa sheegay in laamaha Amniga, iyaga oo kaashanaya Shacabka ay bilaabi doonaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.
Waxaa uu sheegay in Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagareen uu laamaha Amniga Amray inay si deg deg ah go’doonka uga qaadaan degmooyinka Gobolka Bakool, isla markaana Ciidmada qalabkooda loo dhameystiri doono.
Degmooyin badan oo ka tirsan Gobolka Bakool ayaa muddo ka badan 8 Sano waxaa ay u go’doonsan yihiin Al-Shabaab, waxaana ka dhashay dhibaatooyin bani’aadanimo oo keentay inay dadka banaanbax dhigaan.