Diyaarad siday gargaar kala duwan oo Maanta la gaarsiiyey degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bokool

739

Diyaarad siday shixnad Gargaar ah ayaa barqadii Maanta ka degtay Garoonka diyaaradaha Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool ee Maamulka Koonfur Galbeed oo ay Go’doomiyeen Al-shabaab.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Xudur ayaa sheegay in Gargaarkan uu yahay mid loogu tala-galay shacabka degmada oo ay heysato xaalad adeg oo bani’aadannimo, looguna Jawaabayo baahiyaha jira.

Gargaarka oo u badan raashin ayaa laga qaaday Magaalada Muqdisho, waxaana lagu wareejiyay Maamulka Gobolka Bakool iyo ka degmada Xudur, iyadoona si deg deg ah loo gaarsiinayo shacabka dhibaatada heysato

Gargaarkan ayaa horudhac u ah dadaalo uu wado madaxweynaha Dowlad Goboleedka koofurgalbeed Mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagareen oo maalmahan ku sugnaa Degmada Xudur kuna howlanaa sidii wax loogu qaban lahaa shacabka ku dhaqan Gobolka Bakool.