Ayax cusub oo ku habsaday beeraha ku yaala qaar ka mida gobolka Gedo.

880

Beeraleyda ku nool magalada Bardheere ee gobalka Gedo ayaa waxaa soo wajahay Dhibatooyin kala duwan oo uu ka mid yahay in dalagyadii ay beerteen uu ku habsaday Ayax farabadan kaas oo  baabi”iyey  sameen u geestay beeraleyda dagan Degmada Berdheere.

Ayaxan ayaa waxaa uu babiyey dalagyadii kala duwanaa ay beerteen beeraleda  sida galayda,digirta,,sinsinta iyo khudaarta .

Gudomiyaha Gudiga beeraleyda Degmada Bardheere Ibrahim Sheikh Hussein Muuse oo Radio kismaayo la hadalay ayaa ka shekeyay dhibatoyinka dadka beeralayada ay ka dhaxleen Ayaxa Cusub eek u habsaday beeraha.