
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta gareen oo Wado Dhagaysiga Cabashooyinka ayaa la kulmay Maamulada degmooyinka Gobolka Bakool iyo kan degmada Xudur, isaga oo kala hadlay Arrimo dhowr ah.
Guddoomiyaha Maamulka degmada Xudur Maxamed Macalin Axmed oo ka war bixiyay kulanka ayaa sheegay inay Madaxweyne Laftagreen u gudbiyeen dhibaatooyinka kajira Gobolka Bakool gaar ahaan xaaladda adag oo ay ku sugan yihiin Shacabka degmada Xudur.
Madaxweyne Lafta Gareen ayaa sidoo kale kulan la qaatay maamulka gobolka Bakool iyo kan degmada Xudur, waxuuna uu ka dhageystay warbixino la xariira xaaladda nololeed oo ay wajahayaan dadka reer Bakool.
Gobolka Bakool oo ka kooban shan degmo ayaana waxaa laga soo werinayaa in seddax ka mid ah ay ka jirto xaalad bini’aadanimo oo aad u daran, kadib markii ay Al-Shabaab kordhiyeen cunqabateynta dhinaca dhulka ah oo ay ku soo rogeen degmooyinka Waajid, Ceel-barde iyo Xudur