Sarkaal QM U Qaabilsanaa Soomaaliya Oo Xil Cusub Loo Magacaabay

746

Xogyaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Gutteres ayaa xil cusub u magacaabay Mr. Nicholas Haysom  oo horay u soo noqday wakiilka QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Xilka cusub ee loo magacaabay diblomaasigaan oo ah wakiilka gaarka ah ee UN-ka u qaabilsan arrimaha dalka Koonfurta Sudan, kaasi oo dhowaan u kictimaya magaalada Jubba ee caasimada dalkaasi.

Mr. Nicholas Haysom oo horaantii 2019-ka dowladda Soomaaliya ka ceyrisay dalka, ayaa lagu eedeeyay inuu faragelin ku hayay arrimaha gudaha, isla markaana meel uga dhacay madax bannaanida dalka.

 

Nicholas Haysom ayaa hadda wixii ka dambeeya waxaa uu ka howlgeli doonaa dalka Suudaanta Koonfureed oo kamid dalalka Afrika oo muddo badan ay dagaalo ka dhacayeen.