Lafta-Gareen Oo Xudur Ku Wajahan Iyo Ujeedka Socdaalkiisa

1024

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa maanta lagu wadaa in uu gaaro Magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool, waxaana  Magaaladaas ka socota soodhweyn loo ameeynayo Madaxweynaha.

 

Maadxweynaha ay aka amba-baxaya Magaaalada Baydhabo oo xarun ku meel gaar ah u ah maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya, waxaana horay Magaalada Xudur u gaaray wafdi horudhac u ah socdaalka Laft-gareen.

 

Gobolka Bokool ayaa ah gobol ay Al-shabaab go’doomiyeen, waxaana dadka shacabka ah eek u nool ay cabasho aan kaal joogsi lahayn u direen dowladda dhexe iyo Maamulka Koonfur Golbeed, iyagoo sheegay in ay ku jiraan xaalad go’doon ah, waxaana sara-kac uu ku ymid maciishadda, iyadoo dadka danyarta ah aysan awoodin in ay iibsadaan.

 

Xuddur muddo sideed sano ah waxaa go’doomin ku haya Al-Shabaab, arrintaas oo shacabka magaalada ku keentay culeys dhanka nolasha ah, hase yeeshee bilihii u dambeeyay Alshabaab ayaa labo laabay xayiraadka magaalada waxay gubeen gaadiid badan oo magaalada u siday raashiin iyo waxyaabaha nolasha muhiimka u ah.