Laamaha Amniga Galmudug Oo La Amray In Ay Gacanta Kusoo Dhigaan Malleeyshiyaad Dil Gaystay

191

Ku simaha madaxweynaha ahna madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug  Cali Daahir Ciid ayaa shir gudoomiyay shirka amniga oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Galmudug.

Shirka amniga waxaa goob joog ka ahaa wasiirka arimaha gudaha saraakiisha hugaamisa qeybaha kala duwan ee ciidamada sida booliska, nabad sugida, GorGor, ciidanka Haramcad iyo Amisom

 

Shirka waxaa looga hadlay guud ahaan amniga Galmudug gaar ahaan amniga caasimada, sidoo kale Saraakisha waxaa la faray awaamir ku saabsan sugida amniga Galmudug gaar ahaan ka falcelinta dhacdadi manta ka dhacday Deeganka Xirsi Lugeey ee Duleedka Dagmada Balanbale