Duqeyn Lagu Dilay Xubno Ka Tirsan Maleshiyaadka Al-Shabaab Oo Laga Fuliyay Gobolka Baay

888

Taliska Ciidanka Mareykanka ayaa la sheegay  in ay duqeyn ku dileen xubno ka tirsan dagaaalmayasha Al-shabaab, waxaana la sheegay in howlgalkaasi uu ahaa mid qorsheysan.

Sida la sheegay Howlgalka oo ahaa mid  military waxaa si wadajir ah u fuliyay Taliska Ciidanka Mareekanka ee Afrika iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana ay sheegeen in howlgalkaas lagu burburiyay Xarun dagaalamayaasha  Alshabaab ku lahaayeen deegaanka Buulafuulaay degmadda Diinsoor ee Gobolka Baay.

Weerarkaas ayaa Mareykanka waxa uu sheegay inay ku dileen Sarkal ka tirsanaa Al-Shabaab,sidoo kalena ay ku taageerayeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira Ururka Al-Shabaab, sida uu sheegay Taliyaha, Taliska Hawlgallada Gaarka ah Mareykanka ee Afrika.

““Duqeynta ka dhacday Buulo fuulaay, waxay muujineysaa go’aankeenna waxayna hoos u dhigeysaa awoodda Al-Shabaab ee hanjabaadda Soomaaliya iyo deriskeeda, waxaan qorsheyneynaa in aysan jirin meel ammaan ah oo ay ku dhuuntaan Al-Shabaab ayuu yiri  Maj. Gen. Dagvin Anderson.

Mareykanka ayaa inta badan duqeymo dhinaca cirka ah ka fuliyo Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, waxaana duqeyntaan ay kusoo aadeysaa xilli Mareykanka inta badan Ciidamadii ka joogay Soomaaliya uu kala baxay, isla markaana ay yaraadeen duqeymihii uu fulin jiray.