
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa sheegay in waqtigaan aysan macquul aheyn in dalka ay ka dhacdo doorasho hal dhinac ah, isla markaana Go’aanka dowladda & dowlad goboleedyada uusan sidaasi aheyn.
Waxaa uu beeniyay hadallo kasoo yeeray Xubnaha Midowga Musharixiinta ee ahaa in Dowladda Soomaaliya & dowlad Goboleedyada taagersan ay doonayaan in la qabto doorasho hal dhinac, waxana uu sheegay in taasi suurtagal aheyn.
Madaxweynaha DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo la hadlay BBC-da ayaa meesha ka saaray in aysan dhici Karin Doorasho ay ka maqan yihiin Jubbaland & Puntland, maadaama ay qayb ka ahaayeen heshiiskii September 2020, isla markaana uusan jirin meel lagu talo gooyay in laga saaro
Madaxweynaha DG Galmudug ayaa iska fogeeyay in uu u dhega furan yahay Xukuumadda, balse waxa uu dhinac ka rarnaantaas ku tilmaamay in ay ka tarjumeyso wadashaqeynta uu la leeyahay Dowladda Federaalka sida uu hadalka u dhigay.