Nin Dil Ka Geystay Degmo Ka Tirsan Gobolka Banaadir Oo Xukun Lagu Riday

775

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maanta xukun dil toogasho ah ku riday Cumar Muxudiin Maxamuud oo loo heyso inuu dil u geystay Nin lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Maxamed Xasan Abow, kaasi oo ka dhacay degmada Boondheere.

“Baaritaana dheer kadib 21-kii November Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa soo codsaday in la muddeeyo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah eedeysane Cumar Muxudiin Maxamuud, waxa ayna Maxkamadda aqbashay dhageysiga Dacwadda kowdii Decembber bishii ina dhaaftay” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Maxkamadda Ciidamada.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda la yimid  Sedax marag oo cadeeyay in Eedeysanaha uu dhac u geysanayay Marxuumka, Warqadda Cadeynta dhimashada iyo Gungaarka Baarista Boliiska oo ay sameeyeen saldhiga degmada Boondheere.

 

Qareenada U dooday Eedeysanaha ayaa Maxkamadda weydiistay in loo Naxariisto Eedeysannaha lagana qaado diyo.

Maxkamadda ayaa ugu dambeyn Cumar Muxudiin Maxamuud ku xukuntay Dil toogasha ah oo ah magta Marxuum Cabdullaahi Maxamed Xasan Abow.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban karo Rafcaan muddo ku siman 30-Cisho.