Maxaa ka soo baxay kulankii dhexmaray mucaaradka iyo madaxda dowlad goboleedyada qaar

988

Kulan saacado badan qaatay ayaa xalay waxaa magaalada Muqdisho ku yeeshay  midowga Musharaxiinta Soomaaliya iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada Galmudug, HirShabelle iyo Koofur Galbeed, kulankaas oo ka dhacay hotelka Decale oo u dhow garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlay is-mari waaga ka taagan doorashada iyo go’aankii xukuumadda ee ahaa in doorashada la guda galayo

Wararka kale ee kulanka laga helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ay ka dalbadaeen Midowga Musharaxiinta inay u soo gudbiyaan magacyada xubnaha Guddiyada doorashada lagu muransan yahay ee ay cabashada ka keeneen, hayeeshee shalay Musharax Daahir Geelle uu sheegay in sababo amni dartood aysan u gudbin doonin Magacyada xubnaha kujira Guddiga ee ka tirsan NISA.

Ugu dambeyn Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ayaa ka codsaday Midowga Musharixiinta inay la hadlaan Maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland inay soo magacabaan Guddiyada doorashada ee aanay weli soo gudbin, si howlaha kala taagan la isugu soo dhoweeyo.

Go’aankii Xukuumadda Soomaaliya & Saddexda Dowlad Goboleed ay ku dhawaaqeen ee ah in doorashooyinka la bilaabo ayaa walaac badan abuuray, iyada oo midowga Musharixiinta, gudoomiyaha aqalka sare & siyaasiyiinta mucaaradka ay kasoo horjeesteen go’aankaas.