Ciidamada DFS oo howlgal Amni xaqiijin ah ka sameeyay Wadada xiriirisa Jowhar & Balcad.

817

Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo amni xaqiijin ah ka sameeyeen wadada xiriirisa degmada Balcad & Magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalka ayaa ka dambeeyay, kadib markii Xubno ka tirsan Malashiyaadka  Al-Shabaab ay weerar jidgal ah ku qaadeen Gaadiid ay wateen Ciidamada dowladda, xilli ay marayeen inta u dhaxeysa degmada Balcad & degaanka Qalimow, waxana halkaasi ka dhacay dagaal kooban

 

Saraakiil katirsan Militariga Soomaaliya ayaa sheegay in aysan la kulmin wax weerar ama Qarax ah in ay ku howlanayaan qiimeynta amniga wadadaan u dhaxeysa Balcad & Jowhar oo isu socodkeeda waayihii dambe aan aad u badneen.

Militariga Soomaaliya wali sooma bandhigin haddii ay jiraan shaqsiyaad ay kusoo qabteen howlgalkooda, waxaana ay la kulmeen saraakiisha ciidanka la dejiyay deegaannada qaar si ay u hubiyaan xasiloonida isu socodka Jidka.