Xasan Sheekh oo si kulul uga hadlay go’aankii ay DF ka qaadatay khilaafka doorashada

911

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud kana mid ah Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wax aan la abqali Karin ku tilmaamay go’aankii Xukuumadda Soomaaliya & Madaxweynayaasha Saddexda dowlad goboleed ee ahaa in la aadayo doorasho.

Xasan Sheekh oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in, iyada oo ay arrimaha doorashooyinka ka maqan yihiin tabashadoodana aan la xalin Maamulada jubbaland & Puntland  aysan macquul aheyn in doorashooyin ay bilaawdaan.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud kana mid ah Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wax aan la abqali Karin ku tilmaamay go’aankii Xukuumadda Soomaaliya & Madaxweynayaasha Saddexda dowlad goboleed ee ahaa in la aadayo doorasho.

Aamusnaanta madaxda maamulladii maanta meesha joogay waxaa u arkeynaa inay dhaheen hanaloo keeno ciidamo aan doorashada ku dhacno madaxweynuhuna uu sidaas rabo, marka taasi waa khatar, midnimada dalka ayaa khatar ku jirta maanta,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud