Wafdi ka socda dowladda Kenya oo maanta ku soo wajahan Muqdisho

790

Waxaa maanta lagu wadaa in wafdi ka socda dowladda Kenya uu soo gaaro magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, si looga wadahadlo khilaafka labada dal.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya inuu socdo dadaallo uu wado urur goboleedka IGAD, kuwaas oo ku aadan sidii meesha looga saari lahaa khilaafka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya oo ah laba dal oo ururka ka wada tirsan.

Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay Muqdisho ka bilaawdaan wadahadallo ay garwadeen ka tahay IGAD oo lagu dhameynayo xiisadda diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya.

Wafdiga ayaa shalay waxaa ay sidoo kale la kulmeen Xubno uu kamid yahay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Balal Cusmaan, waxaana wararka la helay ay sheegayaan in Maalinta Isniinta ah ee soo socota uu Madaxweyne Farmaajo tagayo dalka Jabuuti si mar kale IGAD u bilowdo dadaalada lagu soo celinayo xiriirkii Soomaaliya & Kenya.

Labadii Sano ee la soo dhaafay waxaa aad u xumaa xiriirka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, waxaana khilaafkooda uu gaaray in dowladda Soomaaliya ay xiriirka doblumaasiyadeed u jarto dowladda Kenya.