Madaxweynaha Jubbaland oo sheegay in khilaafka ka taagan doorashooyinka ay sal u tahay arrinta Gedo

783

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo ka qeyb galay Munaasabadda Sanad guurada labaad ee Doorashada Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa sheegay in khilaafka ka taagan arrimaha Doorashooyinka ay sal u tahay arrinta Gobolka Gedo waxaana uu ugu baaqay Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah inuu la yimaado aragti Caafimaad qabta oo lagu xallin karo Xaaladda halkaas ka jirta

 

Madaxweynahu ayaa intaas ku daray in sharafta Madaxweynaha iyo maqaamka uu joogo ay ka hoosayso in uu isku dhajiyo Gobolka Gedo iyadoo ay muhiim tahay in gacanta Jubbaland lagu soo celiyo Gobolkaas si ay uga dhaqan gasho Doorasho ay Masuul ka tahay Jubbaland.

 

Madaxweynahu wuxuu intaas ku daray in Jubaland ay ka go’an tahay in doorashada dalka ay ku dhacdo jawi wanaagsan dhamaan dhinacyaduna ay tahay in wax walba lagu xaliyo wada hadal si Doorasho la isku raacsan yahay ay dalka uga dhacdo.