Diyaarado Sida Ciidamo Badan Oo Ka Degay Magaalada Baladweyne Iyo Ujeedka

823

Garoonka diyaaradaha Ugaas Khilaaf ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa arroortii horey ee saakay ka degay diyaarado siday Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dad ku sugan Baladweyne ayaa ku warramay in saddex diyaaradood oo siday Ciidanka sida gaarka u tababaran ee Haramcad ay ka degeen Garoonka Ugaas Khilaaf, kuwaasi oo laga qaaday Magaalada Muqdisho.

Ciidamada oo ah kuwo hubeysan oo gaarayay 200 ayaa waxaa la sheegay in Baladweyne ay geeysay dowladda Federaalka, isla markaana ay sugi doonaan amniga Magaaladaaas oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka dhaceyeen banaanbaxyo rabshado watay

Sidoo kale Ciidanka Booliska Haramcad ayaa Saldhigyo iyo difaac ka saameysan doona gudaha Magaalada, waxaana Garoonka Ugaas Khaliif kusoo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka  dowladda iyo xubno kale oo ka tirsan Maamulka.

 

Lama ga tallaabada ay qaadi doonaan Ciidamada Haramcad oo ay Maanta dowladda Soomaliya ka dejisay Magaalada Beledweyne, waxaana wararka aan helnay ay sheegayaan in maalmaha soo socda Ciidamo kale ay dowladda geyn doonto Magaalada Beledweyne.