Amar Ka Dhan Ah Ganacsatada Magaalada Boosaaso Oo Lasoo Saaray

894

Taliska qeybta Booliska Gobolka Bari ee Dowlad goboleedka Puntland ayaa amar ku bixiyay in la xiro dadka diidan isticmaalka lacagta Shillinka Soomaaliga oo waayadaan aheyd dhibaatada ka taagan degaannada Puntland.

Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa Ciidamada Booliska Gobolka Bari ku amray inay Xabsiga dhigaan Ganacsade kasta ee  diidda socod-siinta & isticmaalka Lacagta Shilin Soomaaliga ah, si sharciga loo hor-geeyo.

Intasi kadib Ciidamo farabadan oo ka tirsan Booliska Puntland ayaa waxaa lagu arkay wadooyinka iyo suuqyada magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, iyaga oo doonaya in ay qabtaan dadka diidan qaadashada lacagta shillin Soomaaliga

 

Si kastaba Amar uu soo saaray Taliska Booliska Gobolka Bari ayaa ayaa kusoo adaya, iyadoo qaar kamid ah magaalooyinka Puntland laga diiday Lacagta Shilinka, waxaana xusid mudan ay halkaas ka dhaceen banaanbaxyo rabshado watay oo ay dhigeen dadka