Suuqyada Garoowe oo markale laga diiday lacagta Shillin Soomaaliga

959

Waxaa saaka mar kale walaac laga muujinayaa Sarrifka lagacaha Magaalada Garoowe ee Xarunta maamulka Puntland, waxaana wararku ay sheegayaan in ganacsatadu ay diideen Sarifka Lacagta Shilin Soomaaliga oo dhawaanahaan bulshadu si weyn cabasho kaga muujinayeen, kadib markii la diiday isticmaalka lacagta Shilin Soomaaliga.

Saaka oo Khamiis ah ayaa Suuqyada Magaalada Garoowe ee xarunta maamul Goboleedka Puntland mar kale laga diiday Lacagta Shilin Soomaaliga ah, kadib markii Ganacsatadu sheegtay in Bankiga dowladda Puntland uu diiday Sarrifka iyo socod-siinta Shilinka, taasi oo tiro dhowr jeer ah horay u dhacday.

Dukaamada, Maqaayadaha iyo dhamaan Goobaha ganacsiga ayaa laga diiday Shilin Soomaaliga, waxaana Cuntada iyo Adeegyada as’aasiga ah lagu iibsanaya Lacagta Dollarka.

 

Magaalada Garoowe iyo degaannada kale ee Puntland ayaa waxaa horay uga dhacay dibadbaxyo looga soo horjeeday diidmada isticmaalka lacagta Shillinka Soomaaliga, iyada oo xukuumadda Puntland ay ku guul dareysatay waxka qabashada diidmada lacagta Shillinka Soomaaliga