Musharax Daahir Geelle” Kuma kalsoonin Guddiga lagu mursan yahay ee doorashooyinka”

703

Musharax Madaxweynaha Soomaaliya Amb, Daahir Maxamuud Geelle ayaa markale cadeeyay mowqifkiisa ku aadan guddiga lgu mursan yahay ee doorashooyinka dalka, kaas oo inta badan ay kasoo horjeesten Musharxiiinta Madaxweynaha & xubnaha Mucaaradka.

Musharax Daahir Geelle oo wareysi  Mid ka mid ah Tv yada Afka soomaliga ku hadlo ayaa sheegay in guddiga ay ku jiraan xubno badan oo ka tirsan NISA, isla markaana aysan ku qabi karin kalsooni buuxda.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada kaliya loogu talo galay sugida Amniga, hayeeshee aan loo adeegsan Karin arrimo doorasho dhex-dhexaadna aysan noqon Karin maadaama Ciidamada taliyaha ugu sareeyo uu yahay Madaxweyne farmaajo oo Musharixiinta Madaxweynaha kamid ah.

Xubnaha Midowga Musharixiinta Mucaaradka, guddoomiyaha Golaha Aqalka sare iyo inta badan saamileyda siyaasadeed ee dalka ayaa kasoo horjeestay guddiga doorashada ay dowladda Magacaawday, iyaga oo sheegay in laga soo xulay Taliska NISA & Shaqaalaha Dowladda.