
Guddoomiye Maxamed Xasan Cirro iyo xubnaha Guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka heer Federaal ayaa kulan la qaatay Massimiliano Bertollo, Safiir ku-xigeenka Dawladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa ay ka wada hadleen howlaha doorashada dalka ka dhaceysa iyo talaabooyinka hore loo qaaday si waafaqsan heshiiskii 17-kii Sebtember ee ay wada gaareen Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwo dowlad Goboleedyada.
Guddoomiye Maxamed Xasan Cirro ayaa uga mahadceliyay dowladda Talyaaniga kaalinta ay kaga jirto tageerida Soomaaliya. Safiirka ayaa isna dhankiisa boggaadiyey shaqada la qabtay iyo dadaalada ay wadaan Guddiga Doorashada, isagoona ku adkeeyay inay qabtaan doorasho xor iyo xalaal ah.
Guddiga ayaa safiirka u sheegay inay diyaar u yihiin hirgalinta doorasho daahfuran oo xiligeeda ku dhacda, waxayna ka codsadeen beesha caalamka inay kaalintooda qaataan.