Dowladda Somalia Oo War Kasoo Saartay Heshiiskii Sacuudiga Iyo Qatar

999

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay heshiiskii xalay ay wada gaareen dowladdaha Qatar iyo Sacuudiga, kadib markii dowladda Kuweyt ay ku guuleysatay inay dhex-dhexaadiso labada dhinac.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda ay soo dhaweyneyso bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Kuweyt ee ku saabsan miro-dhalka dadaallada dib u heshiisiinta Boqortooyada Sucuudiga iyo Dowladda Qatar.

Dowladda ayaa sidoo kale sheegay inay soo dhaweyneyso waan-waanta iyo dadaalkii joogtada ahaa ee Amiirkii hore ee dalka Kuweyt, Alle ha u naxariistee, Sheekh Sabaax Axmed Aljaabir uu ku bixiyey xal u helidda khilaafkan.

 

Ugu dambeyntii, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa mar walba ka go’an xoojinta xiriir diblomsiyadeed oo ku dhisan dhexdhexaadnimo, wax wadaqabsi iyo ilaalinta xasilloonida iyo madaxbannaanida dalalka dan-wadaagta ah.

Markii uu bilaawday khilaafka dowladaha Sacuudiga iyo Qatar oo dalal uu Sacuudiga kujiro ay xiriirka u jareen dowladda Qatar ayaa dowladda Soomaaliya waxaa ay khilaafkaas ka noqotay dhex-dhexaad, Go’aankaas oo lagu dhaliilay