C/Raxmaan C/Shakuur Oo Kasoo Horjeeystay Go’aankii Dowladda Su’aalna Ka Keenay

786

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kasoo horjeeystay Go’aankii kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu joojiyay in hubka lala galo Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, marka laga reebo Madaxda dowladda.

C/raxmaan C/Shakuur oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa waxaa uu sheegay in go’aankaas lagu joojiyay in hubka lala galo Garoonka Aadan Cadde uu yahay mid lagu beegsanayo Musharaxiinta iyo siyaasiyiinta kasoo horjeeda dowladda.

Waxaa uu sheegay C/raxmaan C/Shakuur in dowladda ay damacsan tahay in arrintaas ay ku dooneyso inay ku yareyso dhaq-dhaqaaqyada safaradda Musharaxiinta Madaxweynaha, isla markaana waxaa uu cadaalad darro uu ku tilmaamay Go’aankaas kasoo baxay DFS.

 

Go’aanka lagu mamnuucay marka laga reebo Madaxda Sare ee dowladda in garroonka diyaaradaha Aadan-Cadde hub la galan mas’uuliyiinta ayaa waxaa soo saaray Wasaaradda Amniga Soomaaliya oo fulineysa Amar kasoo baxay Ra’iisul Wasaare Rooble, iyada oo aad saacadihii la soo dhaafay looga hadal haayay Guud ahaan Soomaaliya