Gudoonka Barlamaanka Jubbaland oo ka tacsiiyey geeridii naxdinta lahayd ee ku imaatay xildhibaan Khaliif Haashim oo qarax gaari ku dhintay.

857

Gudoomiyaha baarlamaanka Jubaland Mudane  Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan  ayaa ka tacsiyeey geerida ku timid Allah ha u Naxariistee Xildhibaan Khaliif Haashim Nuur oo Ku dhintay qarax gaarigiisa loogu xiray xalay galinkii hore.

Gudoomiyaha ayaa xilidhibaanada baarlaamka iyo guud ahaan shacabka jubbaland uga tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid marxuumka waxaana uu si gaara uga tacsiyeeyay eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay .

Cabdi maxamed cabdi raxmaan gudoomiyaha baarlaamka jubbland ayaa geerida xilidhibaanka ku eedeeyay nabad diidka alshabaab

Waxaana uu sheegay inaysan maalin waliba waxba tarayn in la tacsiyeeyo iyadoo loo baahan yahay buu yidhi in laga dhiidhiyo falalka guracan oo ay geesanayaan nabad diidka alshabaab shacabka.

Gudoonka Barlamaanka Jubbaland oo ka tacsiiyey geeridii naxdinta lahayd ee ku imaatay xildhibaan Khaliim Haashim oo qarax gaari ku dhintay.