Shirka Garoowe oo Maalintii labaad galay & Madax kale oo hadleysa

91

Magaalada garoowe ee Caasimadda Dowlad goboleedka Puntland waxaa Maalintii labaad ka socda shirka Madasha Aragti wadaaga Machadka Heritage, kaas oo ay ka qeyb-galayaan Mucaarad & Muxaafad.

Shirka oo shalay furmay ayaa waxaa khudbado kala ka jeediyay Madaxweynihii hore ee Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynayaasha Mamulada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug iyo Madax kale.

Maanta ayaa sidoo kale waxaa la filayaa in shirka ay khudbado kala duwan ka jeediyaan, iyaga oo hadli doona xaalada siyaasadeed e xilligan dalka iyo Arrimaha la xiriira doorashooyinka uu muranka ka taagan yahay.

Madaxda Mucaaradka iyo  Mucaaradka ee ku wada sugan Magaalada Garoowe ayaa waxaa ay yeelan doonaan kulamo gar gaar ah oo ay uga hadlayaan tabashooyinka jira iyo xaalada dalka.

Madaxda maanta khudbadaha jeedin doonan ayaa waxaa kamid ah Xubno ka tirsan Midowga Musharixiinta oo ay kamid yihiin Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Daahir Maxamuud Geelle & Xasan Cali Kheyre.