Maamulka Puntland Oo Joojiyay Doorasho Muran Xooggan Dhalisay

754

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Cabdilladiif Muuse Nuure (Sanyare), ayaa amar ku bixiyay in si deg deg ah loo joojiyo doorasho muran dhalisay, oo la doonayay in laga qabto Degaanka Wadajir, oo ay ku nool yihiin Barakacayaasha Gaalkacyo.

Qoraal uu soo saaray Guddoomiye Sanyare, ayaa lagu amray Guddoomiye ku xigeenka Gaalkacyo iyo Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Mudug, in ay joojiyaan Doorashada laga qabanayo Degaanka Wadajir, si loo ilaaliyo Nabadda iyo Xasiloonida Gobolka.

Qoraalka waxa lagu xusay in Degaanka Wadajir uu yahay mid Istiraatiiji ah, oo uu ka socdo Mashruuc Horumarineed, sidaas darteedna Maamulka loo dhisayo la rabo in loo maro Waddo sax ah, oo aan khilaaf iyo muran keenin.

 

Waraqad uu soo saaray Cabdilladiif Muuse Nuure (Sanyare) Guddoomiyaha Gobolka Mudug  ayaa lagu amar lagu siiyay Guddoomiye ku xigeenka Gaalkacyo iyo Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Mudug, waxaana la faray in ay joojiyaan Doorashada laga qabanayo Degaanka Wadajir.

Hoos ka aqriso Warqadda