
Magaalada Dhoobley ayaa manta lagu aasay shan qof oo shacab ah oo isugu jira Rag iyo dumar,kuwaasi oo shalay galinkii danbe gaari ay saarnaayeen uu qarax miino kula kacay inta u dhaxaysa tuulada Taabto iyo Dhoobley,dadka dhintay ayaa waxaa ku jiray ilmayar oo jiray lix-bilood iyo hooyadiis sida uu Radio Kismaayo u xaqiijiyey Gudoomiyaha Dhoobley Siyaad Maxamed Xassan.
Gaariga ay saarnaayeen dadka shacabka ah ayaa ka tagay magaalada Kismaayo,isaga oo ku sii jeeday magaalada Dhoobley ee gobolka Jubadda Hoose.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in gurmad ay sameeyeen ay suura gal noqotay in ay soo qaadaan maydka dadkii ku dhintay qaraxii ka dhacay Haawina.
Siyaad Maxamed Xassan oo waraysi siiyay radio kismaayo ayaa ka tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid dadkaa shacabka ahaa ee aanan waxba galabsan ee ku safraayey wada u dhaxaysa Taabto iyo Dhoobley ee la qarxiyey.
Goobtaan uu qaraxu kula kacay dadkaan shacabka oo lagu magacaabo Haawina ayaa sidaan oo kale dhowr Jeer waxaa miino dhulka laga liyey ugu dhintay dad rayid ah oo aan waxba galabsanin.
BY Cabdi Fataax daljir