Dil Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Iyo Faah Faahin Kasoo Baxeysa

718

Rag hubeysan ayaa Barqanimadii Maanta waxaa ay agagaarka Buundooyinka ee degmada Waaberi ee Gobolkan Banaadir ay ku dileen Saddex dhalinyaro ah oo la sheegay inay kamid ahaayeen Ciidamada Nabadsugida qeybta dharcadka ee loo yaqaano ilaalada Shacabka.

Rag dilka fuliyay oo ku hubeysnaa bustoolado ayaa goobjoogayaal waxaa ay sheegeen inay goobta ka baxsadeen, waxaana la sheegay in Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay halkaasi tageen, iyaga oo halkaasi ka qaaday meydadka raga la dilay.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Ciidanka Booliska ay howlgal ka wadaan xaafado ka tirsan degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir, iyagoona ku raadinaya ragii ka dambeeyay dilkaas

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa waxaa horey uga dhacay dilal qorsheysan oo geysteen rag dhalinyaro ah oo ku hubeysan bastoolado, waxaana inta badan falalkaas sheegtay Maleshiyaadka Al-shabaab.