Barlamaanka Jubbaland oo meelmariyey miisaniyada sanadka cusub ee 2021.

169

Golaha Barlamaanka Jubbaland oo manta yeeshay kalafadhigii sadexaad, fadhigiisi sadexaad  oo ay soo xaadireen 46 xildhiba ayaa meelmariyey miisaniyada sanadka  2021 oo ah 25034,049.7 dollar.

Waxaa ugu horay lahadlay  warbaahinta Gudoomiyaha gudiga habdhowrka Barlamaanka Jubbaland mudane Shugri Weerax Kaariye isaga oo  faah-faahin kabixiyey kullanka maanta  ee barlamaanka Jubbaland.

“waxaa manta oo taarikhdutahay 27 -12-20-20,waxaa fadhigii sadexaad,fadhigiisi sadexaad yeeshay barlamaanka Jubbaland,waxaa uu ahaa agendaha barlamaanku Akhrinta miisaniyada sandka 2021,barlamaanka waxaa soo xaadirtay 46 xubnood,41 xobnood waa ansixiyeen,shan xubnoodna waa diideen,miisaaniyada sanadkana sidaas ayey ansax ku tahay”sidaas waxaaWarbaahinta Jubbaland u sheegay Shugri Wayrax kaariye.

Shirkaan oo  gudoominayey, guddoomiyaha golaha wakiilada ee dowlad Goboleedka Jubbaland mudane Cabdi Maxamed Cabdi raxmaan ayaa  waxaa   goobjoog ka  ahaa wasiir kuxigeenka wasaarada maaliyada dowlad gobolleeedka Jubbaland mudane Saleeban Maxamed Maxamuud ,waxaana uu warbaahinta la wadaagay  tirade miisaaniyada cusub ee manta ay  horkeeneen Barlamaanka.