Banaanbax Ka Socda Magaalada Baladweyne Iyo Rasaas La Maqlayo

1105

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka socda Banaanbax xoogan oo ay dhigayaan boqolaal dad shacab ah oo isugu soo baxay xaafaddo ka tirsan Magaaladaaas.

Dadka dhigaaya Banaanbaxa oo isugu jira qeybaha kala duwan ayaa siweyn uga soo horjeeda dhismaha Maamulk Hirshabeelle iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe, waxaana dadka ay yihiin ku careysan doorashadii ka dhacday Jowhar.

Banaanbaxayaasha qaarkood ayaa ku qeylinaya doonimeyno Hirshabeelle iyo erayo kale oo ka dhan Cali Guudlaawe, sida lagu arkayay Muuqaalo laga soo duubay dadkaas oo lagu faafiyay baraha Bulshada

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Booliska Magaalada Beleweyne ay rasaas ku fureen banaanbaxayaasha, waxaana jira dhaawacyo ka dhashay rasaastaas oo ay ku jirto Haweeneey ay grigeeda ugu tagtay rasaasta.

Saaka Waaberigii hore ayaa Guud ahaan wadooyinka iyo Xaafadaha Magaalada Bledweyne waxaa lagu arkay Gaadiidka dagaalka Ciidamada dowladda & kuwa AMIOSM,kuwaas oo bandow Magaalada Saaray sidoo kalena dad badan xirxiray,wallow markii dambe Ciidamada Xeryahooda ay dib ugu laabteen.