Dil Ka Dhacay Xaafad Ka Tirsan Muqdisho Iyo Faah Faahin Kasoo Baxeysa

774

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo fiidnimadii xalay xaafad ka tirsan degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ku dilay Wiil dhalinyaro ah oo kamid ahaa dadka deegaanka degmadaas.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in rag hubeysan oo burcad ah ay Wiilka dhalinyarada ahaa ku dileen xaafadda Nasteexo ee degmada Wadajir, dilkaas ayaa yimid kadib markii muran uu soo kala dhexmaray burcada iyo Marxuumka dhintay.

Buracda oo watay dharka Ciidanka dowladda ayaa markii horey Wiilka weydiiyay inuu soo dhiibo Mobile uu gacanta ku watay, hayeeshee uu xoogaa dalabkaas diiday, kadibna markii damb qeybaha sare ee jira uga dhuftay rasaas, isagoona goobta ku geeriyooday.

Degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa kusoo batay Burcadda xilliyada habeenkii dadka dhaca u geysanaya, waxaana jirtay kuwo qaarkood ay laamaha Amniga Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen.

Mas’uuliyiinta Mamulada degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa dhowr jeer waxaa ay sheegeen inay gacan bir ah ku qaban doonaan kooxaha Burcadda ah, waxaana dhowr jeer degmada dharkeenleey uu dagal ku dhex-maray Ciidamada Dowladda & Kooxaha Burcadda ah.