
Faransiiska ayaa xaqiijiyay kiiskii ugu horreeyay ee nooca cusub ee fayraska corona ee dhawaan laga helay dalka Ingiriiska.
Wasiirka Caafimadka ee Faransiiska ayaa sheegay in qofkii ugu horreeyay ee u dhashay dalkaas oo dhawaan ka yimid magaalada London laga helay fayraska.
Wasiirka ayaa sheegay in karantiil qofkaaas lagu geliyay gurigiisa. Dalalka Yurub ayaa dhawaan xayiraado cusub ku soo rogay dalka Ingiriiska, kadib markii dalkaasi laga helay nooc cusub oo Coronavirus ah.
Nuucaan cusub ee cudursidaha Coronavirus ayaa laga helay dalka Ingiriiska. Wasiirka Caafimaadka Britain, Matt Hancock ayaa sheegay, in ilaa 1000 kiis oo la xiriira xanuunkani lagu arkay koofurbari ee dalka England.
Arrintaasi waxay keentay in dalal ka badan 40 ay xuduudahooda ka xirteen safarrada ka imanaya dalka Ingiriiska.