Shir Gaalkacyo uga socdo Madaxweynayaasha Puntland & Galmudug

663

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa hadda si wadajir ah uga qeybgalaya  Shirka Iskaashiga Puntland iyo Galmudug oo ka furmay xarunta Madaxtooyada Puntland ee Gaalkacyo.

Kulanka ayaa looga hadlayaa Iskaashiga Puntland iyo Galmudug, ee dhinacyada Amniga, isdhexgalka bulshada iyo horumarka dhinac kasta.

Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlaya guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan Arrimaha Doorashadda uu murabka ka taagan yahay.

Waxaa shirka ka qeybgalaya, Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya, Wasiiro iyo Saraakiil Madaxtooyo oo ka tirsan Puntland iyo Galmudug iyo Guddoomiyeyaasha Gobolada iyo Degmooyinka ee labada dhinac ee Gobolka Mudug.