DFS oo ka tacsiyeeysay geerida ku timid Cabdi Cali Bacalwaan.

829

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya, mudane Cismaan Abokor Dubbe ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu tacsiyeeyay geerida fanaankii qaranka Allah u naxariistee, Cabdi Cali Bacalwaan oo ku geeriyooday dalka Jarmalka.

Fanaanka wuxuu muddo isbitaal ugu jirey xanuun la xiriira dhanka neefmareenka oo ugu dambeyn u geeriyooday, dhakhaatiirta la tacaaleysay Cabdi Cali Bacalwaan waxay sheegeen in uu haleeley xanuunka safmarka ah ee COVID-19.

Wasiirka Cismaan Dubbe, oo la hadlay ayaa sheegay in fanaanku kamid ahaa hal abuurada ugu waa weynaa oo qaranka u soo hurey wax kasta isla markaana dhaxal lama ilaabaan ah uga tagay dadka Soomaaliyeed.

 

Allaha u naxriistii Bacalwaan waxaa uu ka mid ahaa tiirarkii Hobalada Waabari isaga oo ku luuqayay heeso tiro badan oo isugu jira Jaceyl iyo Wadani, waxaana uu ahaa Fannaan siweyn ay dadku codkiisa u jeclaayeen.