Bannaanbaxyo Saaka Ka Billawday Qaybo Ka Mid Ah Magaalada Muqdisho

635

Ciidamada booliska Soomaaliya ayaa maanta kala eryay dad dibad bax ka dhigayay wadada maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho, waxaana banaanbaxa looga soo horjeedo madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Banaanbaxayaasha ayaa waxaa ay wateen Boorar ay ku qoran yihiin Maadxweyne Farmaajo (Maya) doorasho xor iyo xalaal ah ayaan rabnaa inay dhacdo.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada booliska Soomaaliya ay xiraan qaar ka mid ah dadka ka qeyb galayay banaanbaxa oo isugu jira dhalin yaro iyo haween, kuwaasi oo lagu xiray saldhigyada ku yaala Magaalada Muqdisho.

 

Horay bannaanbaxyo dowladda looga soo horjeedo ayaa ka dhacay magaalada muqdisho, waxaana inta abdan bannanbaxyadaasi soo qaban-qaabiyay Musharixiinta Mucaaradka ah, iyadoo horay ay Ciidanka dowladdu ay u kala eryeen dad shacab ah oo bannaanbaxyo ka dhan ah farmaajo dhigayay.