Madaxweynaha Somaaliland oo gaaray dalka Jabuuti

879

Madaxweynaha Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaminayo ayaa waxaa ay gaareen Magalada Jabuuti ee Caasimadda wadanka Jabuuti, iyada oo siwyen halkaasi loogu soo dhaweeyey.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Jabuuti kusoo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda Biyaha, Beeraha, Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga ee Jabuuti Maxamed Axmed Cawaale (Maxamed Soomaali) oo ay wehelinayaan masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan dalka Jabuuti.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu marti-qaad rasmiya ka helay Madaxweynaha waddanka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyne, oo kulan gaar ah yeelan doona, waxa sida Madaxtooyada Somaliland sheegtay ay ka wada-hadli doonaan xoojinta xiriirka  labada dhinac iyo danaha ka dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti.

Madaxweyne Muuse Biixi, waxa ku wehelinaya safarkiisa shaqo wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Sskaashiga caalamiga ah Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon).