
Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Xarunta Wasaaradda Maaliyadda kulan kula qaatay dhiggiisa Wasiirka Maaliyadda dowladda Turkiga Lütfi Elvan.
Kulanka dhexmaray Wasiir Beyle iyo Wasiir Lütfi Elvan ayaa waxaa looga hadlay Isbedelka ku yimid iyo dib-u-habeynta Maaliyadda dalka Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta ka dhexeeysa labada Dal.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Federaalka ayaa Wasiirka Maaliyadda Turkiga ka dalbaday sii wadida taageerada Maaliyadeed ee Dowladda Turkiga siiyo dowladda.
Turkiga ayaa waxaa uu kamid yahay dowladaha taageera Soomaaliya, waxaan kaalin weyn uu ka qaadanayaa dib u dhiska Ciidamada dowladda iyo sidii deynta looga cafin lahaa Soomaaliya.