Somaliland Iyo Taiwan Oo Maanta Heshiis Hor Leh Kala Saxiixday

971

Magaalada Hargeysa ayaa Maanta waxaa heshiis Cusub ku kala saxiixday Xukuumadda Somaliland iyo Taiwan, kaasi oo ku aadan dhanka Beeraha deegaanada maamulkaas, isla markaana socon doona muddo 5 sanno ah.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland Dr Axmed Cali Maax  iyo Mr. Mars Shiue oo Mid kamid ah Mas’uuliyiinta Safaaradda Taiwan ayaa si wadajir u kala saxiixday heshiiskaas.

Heshiiskan oo daba socda heshiisyadii iskaashi ee hore u kala galeen Somaliland Iyo Taiwan ayaa ku qotoma bilawga barnaamij lagu beerayo khudaarta noocyadeeda kala duwan ee baahi bulshada Somaliland u qabto, sida  Liinta , Saytuunka , Tamaandhada , Basasha iyo khudaarta kale..

Heshiiskaan ayaa sidoo kale waxaa uu bilaaw u yahay barnaamij lagu beerayo khudaarta noocyadeeda kala duwan, sida  Liinta , Saytuunka , Tamaandhada , Basasha iyo khudaarta kale, sida laga sheegay munaasabadda heshiiska lagu kala saxiixday.

Soomaliland oo aamisan inay ka go’day Soomaaliya iyo Taiwan oo ah Maamul goboleed ka tirsan Shiinaha ayaa horay waxaa ay u kala saxiixdeen heshiis ay xiriir cusub ku sameysanayeen, waxaana xiriirkaas kasoo horjeestay  dowladaha Soomaaliya & Shiinaha.