
Wasiirka Arrimaha dibedda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq ayaa habeekii xalay aheyd ku booqday Isbitaalka dhaawacyada dadkii ku waxyeelloobay Qaraxii is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.
Wasiir Maxamed Cabdirisaaq ayaa Alle uga baryay inuu Caafimaad deg deg ah siiyo dadka dhaawacyada kala duwan kasoo gaareen Qaraxaas, isagoo inta dhimatayna Alle uga Baryay in Janatul Fardowsa ka Waraabiyo.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Xukuumadda Federaalka ayaa ballan qaaday in dowladda Soomaaliya ay isgarab istaagi doonto dadka qaba dhaawacyada halista ah ee aan gudaha dalka waxba looga qaban karin.
Ugu dambeyn Arrimaha Dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq ayaa shaqaalaha caafimaadka ka wareystay xaalada bukaanka isagoo sidoo kale wareystay qaar kamid ah dhaawacyada.
Kooxda Gumaadka Shacabka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qarixii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Magaalada gaalkacyo, iyaga oo sheegay inay la damacsanaayeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.