Wasaarada xanaanada xoolaha Jubbaland oo qabtay shir lagu soo bandhigaayey Qabyo qoraalka hindise sharciyeedka xanaanada xoolaha Jubbaland.

810

Cabdullahi Cali faarax Agaasimaha wasaarada xanaada xoolaha dhirta iyo daaqa Jubbaland oo wareysi gaar ah siiyey  radio Kismaayo ayaa  waxaa uu ka warbixiyey kulan ay wasaarada qabatay, Kaasi oo looga hadlaayay  qabyo qoraalka hindise Sharciyeedka  xanaanada xoolaha Jubbaland kaasi oo ay wasaarada gacanta ku heyso diyaarintiisa.

Kulanka ayaana waxaa ka soo qayb galay dhaqaatiir ku taqasusay xanaanada xoolaha oo talooyin ku daraayey Qaybo qoraalka hindise sharciyeedka, waxaana goob joog ka ahaa wasiir ku xigeenka waasarada ahna sii hayaha xafiiska wasaarada xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa Jubbaland

Agaasimaha ayaana  waxaa uu xusay in sharciga uu soo maray heerar kala duwan haatana uu maraayo gebo gebo,dhawaana loo gudbin doono golayaasha dowlada.

 

Xeerkaan  qabyo qoraalka ah ee dhinaca xanaada xoolaha ayaa hadii ay wasaarada dhameystirto waxaa uu wax badan  ka caawin doona, dadka xoola dhaqatada ah dhinaca daryeelka xoolaha,waxaana uu noqonayaa xeerkii ugu horeeyey oo ay wasaaradu diyaariso.

By Maxamuud Cali Xasan