Qaar Ka Mid Ah Waddooyinka Muqdisho Oo Saaka Xiran

787

Waxaa Saaka xiran inta badan waddooyinka waaweyn Magaalada Muqdisho, waxaana dadka shacabka ahi ay yihiin kuwo lugeeynaya, maaddaama aan la ogoleyn in gaadiidka dadweynaha ay isticmaalaan waddooyinkii ay horay u isticmaali jireen Qaarkood.

Ciidan farabadan ayaa lagu soo daadiyay Isgooysyada qaar, waxaana ay waddooyinka ka celi nayaan gaadiidka dad weynaha ee sida joogtada ah u isticmaali jiray waddooyinka saaka Ciidanka la dhigay.

Wadooyinka muhiimka ah ee Maanta xiran ayaa waxaa kamid ah qeybo kamid ah wadada Maka-Almukarama,Wadooyinka soo gala degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi iyo Wadada Isgoyska Jubba, iyada oo lagu arkayo Ciidamada Dowladda oo u diidaya isticmaalka gaadiidka kala duwan.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababaha wadooyinka loo xiray, waxaana warraka qaarkood ay sheegayaan in ay jiraan banaanbaxyo mid lagu taageerayo Dowladda Soomaaliya iyo mid looga soo horjeedo, wallow wararka qaar ay sheegayaan in uu baqday banaanbixii lagu taageeri lahaa dowladda Soomaaliya.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Muqdisho aad looga dareemayay Ciidamo farabadan oo wadooyinka qaar la dhigay, waxaana talaadadii todobadkaan dhacay banaanbax looga soo horjeeday Madaxweyne farmaajo, kaas oo sababay qasaaro dhimasho iyo dhaawac ah, kadib markii ay isku dhaceen Ciidamada dowladda & kuwo ilaalinayay banaanbaxayaasha.