Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Amar Siiyay Laamaha Amniga Galmudug

842

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay Saraakiishii Ciidanka dowladda Federaalka ee todobaadkii horey lagu dilay duleedka degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa laamaha amniga maamulka Galmudug is deg deg ah uga dalbaday inay gacanta kusoo dhigaan Maleeshiyaadkii ka dambeeyay dilkii loo geystay Saraakiisha Ciidankii dowladda oo weli la baadi goobayo.

 

Saraakiisha la dilay oo tiro ahan gaaraya lix ayaa xilliga la dilayay waxaa ay ka tageen Xero Ciidan oo ku taalla degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, waxaana dilkooda la sheegay in uu salka ku haayo aanooyin qabiil, balse Taliyaha Ciidanka xooga uu sheegay inay ka dambeeyeen Al-Shabaab.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda oo ka hadlaayay munaasabad ka dhacday Dhuusamareeb ayaa caddeeyay in markii lasoo qabto raggii hubeysnaa sida ugu dhaqsiyaha badan cadaalada loo horgeyn doono.