
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maanta oo Arbaco ah xukun dil toogasho ah ku riday eedeeysanayaan ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab, kuwaasi oo horey Maxkamadda u dhageysatay eeda loo heystay.
Ragga xukunka lagu riday ayaa waxaa ay degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ku dileen 13-kii bishii November sanadkii tegay 2019 saraakiil ka tirsaneyd Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya.
Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Cabdullaahi Buule Kamey ayaa todobaadkii horey Maxkamadda ka dalbaday in Cumar Aadan Maxamed oo loo yaqaano Zakariye iyo Cabdulle Axmed Muudey oo loo yaqaano Cabdiwaaxid lagu rido xun dil toogasho ah.
Guddoomiyaha maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Shuute oo xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay in, kadib markii ay qirteen dilalka ay geysteen iyo markhaatiyaal ku cadeeyay lagu xukumay dil toogasho ah, isla markaana ay u furan tahay inay racfaan qaatan.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ay xukuno isugu jira dil iyo Xabsi ku riday Rag ka tirsan Al-Shabaab iyo Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda, kuwaas oo lagu eedeeyay dilal iyo dambiyo kale.